DiscoverSBS Somali - SBS Afsomali
SBS Somali - SBS Afsomali
Claim Ownership

SBS Somali - SBS Afsomali

Author: SBS

Subscribed: 294Played: 6,909
Share

Description

Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.
1694 Episodes
Reverse
Baarlamaanka gobolka New South Wales ayaa ansixiyay sharciyo cusub oo lagu doonayo in lagu xaddido mudaharaadyada dhaca weerarro argagixiso. Sharciyada cusub ayaa mamnuucaya in mudaharaadyo la oggolaado ilaa 90 maalmood kadib marka uu dhaco fal argagixiso—iyadoo ay suurtagal tahay in mamnuuciddaasi ka hirgasho guud ahaan gobolka New South Wales oo dhan.
Kumanyaal qof oo Australiyaan ah ayaa laga yaabaa, inay qabaan dhiig-kar. Haddii aynu si kale u dhignana, laga yaaba in cadaadiska dhiigoodu sarreeyo, iyaga oo aan ogeyn—inkastoo ay suurto galba tahay inay soo mareen baaritaan dhakhtar. Daraasad cusub ayaa muujisay, in habka hadda loo cabbiro cadaadiska dhiigga, ama dhiig-karku, uu mararka qaar noqdo mid aan sax ahayn.
Siyaasaddaha Australia sannadkan 2025,, waxaa la yiraahdaa waxay ahayd, mid bilowgii horeba la sii saadaalin karayey iyo kuwo filanwaa noqdayba. Waxaa ka mid ahaa doorashadii bishii May, oo uu xisbiga Labor-ku dib ugu soo laabtay talada, isagoo guul ballaaran ku hantiyay, halka laba hoggaamiye oo mucaarad ah — Peter Dutton iyo Adam Bandt — ay labaduba lumiyeen kuraastoodii.
Dacwad dhinaca dastuurka ah ayaa laga yaabaa in laga gudbiyo, tallaabooyinka ka-hortagga mudaharaadyada ee laga hirgelinayo gobolka New South Wales, kaddib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi. Baarlamaanka gobolka ayaa dib loogu yeeray kulan socdey laba maalmood, si ay u ansixiyaan sharciyo xaddidaya mudaharaadyada, bartilmaameedsanaya hadallada naceybka isla markaana adkaynaya shuruucda lahaanshaha hubka.
Baarlamaanka gobolka New South Wales ayaa dib loogu yeeray si ay u fariistaan labada maalmood ee, 22-ka iyo 23-ka Diseembar, si looga doodo arrimo kala duwan oo kuwada jira hal sharci oo keliya, kuwaas oo daba socda weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi.
Barnaamijkii Soomaaliga ee Jimce 19 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis waa laga reebay
Summer in Australia can be very hot, and as our climate continues to warm, heatwaves are expected to become more frequent and more intense. In this episode of Australia Explained, we cover what a heatwave is, why they pose such a significant risk to human health, who is at most risk, and how to best prepare to cope with a heatwave. - Xilliga xagaaga ee Australia aad buu u kululaan karaa, iyadoo isbeddelka cimiladuna sababayo in kulaylka darani soo noqnoqdo oo sii xoogeysto. Qaybtan barnaamijka Australia Explained, waxaan ku sharaxaynaa waxa uu yahay 'heatwave', sababta uu khatar weyn ugu yahay caafimaadka dadka, cidda ugu nugul saameyntiisa, iyo sida ugu habboon ee loogu diyaargaroobo oo loola qabsado.
Dowladda Australia ayaa dejin doonta barnaamij qaran oo cusub oo dib loogu soo iibsanayo hubka, kaddib dilkii 15 qof loogu geystey, weerar argagixiso oo ka dhacay xeebta Bondi Beach, Axaddii lasoo dhaafay.
Warkii Soomaali ee Jimce, 19 December 2025
Ka dib weerarkii naxdinta lahaa ee ka dhacay xeebta Bondi Beach, hay’adda New South Wales Health ayaa bilowday adeeg degdeg ah oo ku saabsan caafimaadka maskaxda. Dhakhaatiir iyo khubarada caafimaadka maskaxda oo si gaar ah loo tabo-baray ayaa laga hawl-geliyey xaafadaha Bondi iyo Coogee, iyaga oo shaqaynaya 8 subaxnimo ilaa 8 fiidnimo, maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.
Dawladda Australia ayaa ku howlan soo saarridda sharciyo wax ka qabta faafinta necaybka, kala qaybsanaanta iyo xag-jirka, ka dib toogashadii xeebta Bondi.
Kooxaha Yuhuudda Ausralia ayaa Ra'iisal-wasaaraha ku boorriyey la dagaallanka nacaybka Yuhuudda, iyadoo ay dowlad-goboleedyaduna ka fiirsanayaan adkaynta ruqsadaha hubka, iyo inay dadka aan muwaaddiniinta ahayn ka mamnuucaan lahaanshaha hubka.
Warkii Soomaaliya ee Arbaca 17 December 2025
Golaha Qaranka ee Australia ayaa mar kale go’aansaday in si degdeg ah loo adkeeyo shuruucda lahaanshaha hubka, ka dib weerarkii argagixisada ee ka dhacay Xeebta Bondi ee ku taalla magaalada Sydney, halkaas oo nin haysta ruqsad hub, iyo wiilkiisu ay ku dileen ugu yaraan 15 qof.
Koox iskaa-wax-u-qabso ku shaqaysa ayaa soo aruursada baskeellada ama bushkleetiyada gabooba ee la tuuro, iyagoo dabadeed ka sameeya kursi taayiro leh oo ay isticmaali karaan carruurta curyaannada ahi. Hay’ado samo-fal oo caalami ah ayay u sameeyaan.
Hoggaamiyaha mucaaradka, Susan Ley, ayaa dowladda ku sheegtay inay ku fashilantay ilaalinta muwaadiniinta Yuhuudda Australia. Hoggammiyaha Jarmalka ayaa rajo ka muujiyey nabadaynta Ruushka iyo Ukraine.
Weerar argagxiso oo shalay galab lagu qaaday xeebta Bondi Beach ee Sydney ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen16 qof oo midkood yahay cunug. Aabbe iyo wiilkiisa ayay booliisku sheegeen in lagu eedeeyey weerarka rasaasta ah.
Barnaamijkii Jimce 12 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis ma laha.
Connecting with Indigenous Australia can be daunting for a newcomer to the country. So, where do you start? We asked Yawuru woman Shannan Dodson, CEO of the Healing Foundation, about simple ways to engage with First Nations issues and people within your local community. - Haddii aad ku cusub tahay Australia, waxaa laga yaabaa inaad maqashay erayada “Country”, “Traditional Owners”, ama “First Nations”. Waa muhiim inaad ogaato waxa ay ka dhigan yihiin. Qaybtan Australia Explained waxaannu ku sharraxaynaa siyaabo fudud, oo aad ku bilaabi karto barashada bulshooyinka First Nations iyo dhaqammadooda
Barta bulshada ee Reddit ayaa dacwad sharci ah ka gudbisay xayiraadda Australia ee baraha bulshada ka mamnuucday carruurta ka yar 16 sano. Afar nin oo Faransiis ah ayaa lagu eedeeyey inay guri Camberra ku yaalla ka xadeen alaabo lagu qiimeeyey 10 milyan oo doollar.
loading
Comments