Discover
SBS Somali - SBS Afsomali
SBS Somali - SBS Afsomali
Author: SBS
Subscribed: 298Played: 7,174Subscribe
Share
© Copyright 2025, Special Broadcasting Services
Description
Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.
1859 Episodes
Reverse
Halkan ka dhegeyso wararkii ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamkaba.
Halkan ka dhegeyso: Warkii Soomaaliya ee Jimce 27 March 2026
Hay’adda Tamarta Caalamiga ah (IEA) ayaa ka digaysa qoto-dheeraanta dhibaatada tamarta ee soo fool leh, xilli uu sii xoogaysanayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.
Waxaa adduunka hadda soo martay, 11-kii sano ee ugu kululaa ee abid la diiwaan geliyo. Warbixin cusub oo ku saabsan cimilada ayaa ka digaysa, in adduunka aynu ku noollahay sii kululaanayo. Maxayse uga dhigan tahay reer Australia?
Warka maanta waxaa ka mid ah, xildhibaan Barnaby Joice oo ka tirsan xisbiga One Nation oo dowladda usoo jeediyey inay shidaalka qoondeyso iyo qodobbo kale.
Halkan ka dhegeyso wararkii ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamka ee Arabaco 25 March 2026.
Halkan ka dhegeyso warkii Soomaaliya oo ku saabsan waan-waan laga dhex wado dhinacyada iska soo hor-jeeda ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Siyaasiyiin iyo dowladda dhexe.
Dagaalku wuxuu si xun u carqaladeeyey qulqulkii bacriminta (fertiliser) ee ka imaan jiray Bariga Dhexe, taas oo dhalisay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto wax-soo-saarka iyo sugnaanta cuntada gudaha ee Australia.
Doorashadii dhowaan ka dhacday gobolka South Australia ayaa dhalisay dhibaato siyaasadeed oo heer federaal ah, ka dib markii uu xisbiga One Nation ka fara-maroojiyey xisbiga Liberal-ka, booskii mucaaradka rasmiga ah. Tani waa guushii ugu weynayd ee uu xisbigaasi gaaro muddo ku dhow 30 sano
Australia iyo Midowga Yurub oo kala saxeexday heshiish dhinanyo badan. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sheegay inay wada-hadallo u socdaan Iran, iyo Iran oo beenisay.
Have you ever considered using your bilingual skills to assist others? A career in translating and interpreting might be for you. In Australia you can train for a TAFE certificate all the way to Master’s degree prior to getting certified. In this episode we help you navigate the pathway to becoming a qualified practitioner. - Marna ma is tiri xirfaddaada labada luuqadood (Bilingual) waxaad ugu adeegi kartaa bulshada? Hadday jawaabtu tahay haa, shaqada turjumaadda qoraalka (Translating) iyo midda hadalka (Interpreting) ayaa kuu furan. Warbixintan waxaanu kuugu tilmaamaynaa dhabbada saxda ah ee aad u mari karto si aad u noqoto turjumaan diwaan gashan.
Maamuus iyo ammaan baa loo jeediey. Rhoda waxay ahayd qoraa, jilaa, iyo agaasime caan ah, waxaana sannadkii 2016-kii la guddoonsiiyey billadda sharafta Order of Australia. Qoyska Rhoda ayaa u oggolaaday SBS inay baahiso sawirradeeda iyo codkeeda si loo maamuuso dhaxalka fog ee ay ka tagtay.
Warka maanta waxaa ka mid ah: Dowladda New South Wales oo sheegay inay dadka kiraystayaasha ah u howl yaraysay inay dib ula soo noqdaan deebaajiga guryaha ama ay u wareejiyaan guri ay kiraysanayaan.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay qorshe uu "kula wareegayo" dalka Cuba. Damacan ayaa yimid xilli ay sii xumaanayso dhibaatada bini'aadantinimo iyo tan tamarta ee dalka Cuba.
Halkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimcaha oo dhammaystiran. Ka hel warar iyo faallooyin faa'iido leh.
Halkan ka dhegeyso warkii Jimcaha ee Australia iyo caalamka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muslimiinta ugu hambalyeey Ciidda iyo cafis uu fidiyey. Waxaa kale oo warka ka mid ah xiisadda ka dhex aloosan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka.
Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa magacaabay Isku-duwe Qaran oo qaabilsan arrimaha shidaalka, si wax looga qabto dhibaatooyinka dhanka sugnaanta shidaalka ee soo kordhay. Dowladda Iran-na waxay digniino culus u dirtay dalal ka mid Khaliijka.
Xukuumadda Canberra ayaa si kumeel-gaar ah u oggolaatay in suuqyada la soo geliyo baatrool tayadiisu hoosayso oo ay ku badan tahay maadada Sulphur-ku
Learn useful English for talking about unusual or strong flavours. Practise everyday phrases for reacting to new foods, sharing opinions, and encouraging someone to try something new. - Baro Ingriisi aad ku sheegto cunto kugu cusub iyo dhadhankeeda, weedho aad kaga af-celiso cuntooyin cusub, ama sida aad qof kale ugu sheegto inuu isku dayo cuntada cusub.























