DiscoverSBS Somali - SBS Afsomali
SBS Somali - SBS Afsomali
Claim Ownership

SBS Somali - SBS Afsomali

Author: SBS

Subscribed: 292Played: 6,828
Share

Description

Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.
1628 Episodes
Reverse
Barnmaaijikii Jimce 14 November oo dhammaystiran.
Financial planning can feel stressful for any parent. When it comes to saving for your child’s future, knowing your options helps make informed decisions. And teaching your kid healthy money habits can be part of the process. - Qorshe-samaynta maaliyadeed waxay waalidka ugu muuqan kartaa mid adag. Marka aad ilmahaaga u samaynayso dhigaal dhaqaale, waxaad u baahan tahay inaad ogaato fursadaha kala duwan ee kuu furan si aad u qaadato go'aanka kuugu habboon.
Premierka Voctoria, Jacinta Allan, ayaa beeniysay inay soo rogtey sharciyada cusub ee dembiyada carruurta, cabsi ay ka gashay wararka xun ee laga fidiye awgeed. BBC-da Ingriiska oo raalli-gelin siisay Donald Trump.
Diyaar-grawoga doorashada golayaasha deegaanka gobolka Benaadir oo socda iyo shacabka oo lagu boorriyey inay qaataan kaadhka aqoonsiga si ay u codeeyaan. Puntland oo beenisay inay falal budhcadnimo ahi ka dhaceen xeebaha Eyl ee gobolka Nugaal.
Gobolka Victoria ayaa noqday meeshii ugu horresey ee Australia heshiis sharci ha lagala galo dadka dhulka loogu yimid. Hoggaamiyaha xisibiga Liberal-ka, Susan Ley, ayaa la filayaa inay maanta shaaciso go'aankooda rasmiga ah ee ku aaddan Net Zero.
Labo mas’uul oo sare oo ka tirsan warbaahinta BBC ayaa iska casilay xilalkii ay hayeen ka dib markii lagu eedeeyay eex hay’adeed oo ka jirta BBC-da Ingiriiska. Waxaa la dhaliilay tafatirkii khudbad uu jeediyay Donald Trump, ka hor intii aanay dad mudaharaadayey weerarin magaalo-madaxda Maraykanka 6-dkii Jannaayo ee 2021-kii.
Dowladda Victoria oo soo rogaysa sharciyo cusub oo carruurta 14-jir iyo ka weyn ah ee dambiyada culus gasha loogu xukumi karo sida dadka waaweeyn. Madaxa hay'adda sirdoonka ee Australia ayaa sheegay in budhcadda Internet-ka ee uu dalka Shiinuhu taageero ay khatar ku hayaan Ausralia.
Dowladda Soomaalia oo xallisay shaqo-joojintii laga sameeyey Airport-ka Aadan-cadde ee Muqdisho iyo Xiisadahii dagaal ee deegaanka Wanle-weyn oo shakhsiyaad loo soo xidhay.
Hani Abdille oo Sydney joogta ayaa ka warrantay shirkii dhallinyarada Afrika ka soo jeedda ee Australia oo sabtidii 8-da November 2025 lagu qabtay magaalada Sydney.
Ra'iisal wasaare, Anthony Albanese ayaa taageeray mamnuucidda astaamaha kooxaha neo-nazi-ga. Donald Trump-na wuxuu cafis u fidiey koox ay xulafo ahaayeen oo hore ugu xidhnaa isku day ah inay weeciyaan doorashadii 2020.
Many newly arrived migrants in Australia seek relationships not only for romance but to regain a sense of belonging. Separation from loved ones often drives this need for connection. This episode explores how dating in Australia differs from more collectivist cultures and how newcomers can find partners. From social events and dating apps to professional matchmaking, it highlights how migrants can build confidence, connection, and safety as they find love in a new country. - Dadka cusub ee soo degay Australia badankoodu waxay raadiyaan xiriirro aan kaliya ahayn jacayl, balse sidoo kale si ay u helaan dareen ah inay meel ama cid ka tirsan yihiin. Kala fogaanshaha ehelkooda iyo asxaabtooda ayaa inta badan sabab u ah baahidan xiriir raadinta. Qaybtan Australia Explained ayaa lagu falanqeynayaa sida ay shukaansiga Australia uga duwan yahay kuwa bulshooyinka guurkoodu ku salaysan yahay dhaqan.
Premeir-ka New South Wales ayaa sheegay inuu sii adkayn doona sharciyada mamnuucidda astaamaha kooxaha Neo Nazi-ga. Afartan kun oo carruurta reer Gaza ahna waxaa u bilaabmay tallaalka ka hortagga cudurrada la is celin kara sida xiiqda.
Koox caalami ah oo saynisyahanno ah ayaa ka digtay in shimbiraha penguins-ka la yiraahdo ay dunida oo dhan halis ugu jiraan saamaynta cimilada daran.
Wiil dhallin yaro ah oo Camberra lagu qabtay ayaa lagu eedeeyey falal xag-jirnimo ah iyadoo ay booliisku gurigiisa kasoo heleen qori been-abuur ah, qoraallo xag-jir ah iwm. Donald Trump oo Nancy Pelosi ku tilmaamamay haweeeney belaayo ah, ka dib markii ay shaacisay inay hawl-gabayso.
Wasiirka wasaaradda gaashaan-dhigga Soomaaliyo iyo taliyaha guud ee ciidamada ayaa hor tegey golaha aqalka sare ee baarlaamaanka, halkaas oo lagu weydiiyo su'aalo ku saabsan dagaalak Al-shabaab.
Xubno ka mid ah bulshada Suudaan ee Australiyaanka ah, ayaa ka welwelsan qoysaskoodii oo ku go’doonsan magaalada Al-Fasher ee dalka Sudan, kadib markii ay jabhadda RSF xoog ku qabsadeen, lana sheegay inay dad ku xasuuqeen.
Dowladda Australia ayaa loogu baaqay inay xakamayso isticmaalka baskeellada korontada ku socda ee loo yaqaan E-bikes.
Halkan ka dhegeyso warkii ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamka maanta oo Arbaco ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, guddiga doorashooyinka madaxa bannaan iyo madax kale, ayaa ka qayb galay, shir lagu soo ban-dhigay shirkad caalami ah oo baadhitaan ku samaysay, nidaamka codbixiyayaasha ee guddiga doorashooyinka qaranka.
Dowlad-goboleedyada hoos yimaada Australia ayaa waajihi doona baaritaan baarlamaan oo ku saabsan natiijooyinka iyo saameynta xarigga dhalinyarada. Waxaa kale oo il gaar ah lagu eegi doonaa, sababta carruurta ka soo jeedda First Nations, si xad-dhaaf ah loogu xiro xabsiyada.
loading
Comments