Discover
Shaah iyo Shaxan

Shaah iyo Shaxan
Author: Fankeenna
Subscribed: 7Played: 93Subscribe
Share
© Shaah iyo Shaxan 2025
Description
Shaah iyo Shaxan waa taxane la qabto labadii todobaad mar, Oo bahda Fankeenna ku martiqaadayaan qof shaxankiisa ka waramaya si loo barto oo loogana barto aqoontiisa/aqoonteeda, waa SHAAH IYO SHAXAN
17 Episodes
Reverse
In this special episode, we explore Somali identity, heritage, and storytelling with writer and storyteller Amina Isir, cultural educator and archivist Aziz Farah, and moderator Moustafa Ahmad from the Fankeenna collective. Together they reflect on reclaiming history, shaping cultural connections, and redefining Somali identity across borders.Stories, identity, and Somali heritage — live from Fankeenna, Hargeisa.
Waxaan duubnay podcast-ka #ShaahIyoShaxan oo uu marti ku yahay filim sameeyaha Xuseen boon, kadib daawashada filimkiisa Tagsiile “The New Driver” oo ka dhacay #Fankeenna. Wada sheekaysiga waxaa qaaday Mustafe Axmed, wuxuuna Xuseen kaga warramayaa safarkiisa hal-abuurka iyo falcelintii daawadayaasha.Hadda Dhageyso wareysiga xiisaha leh ee la duubay kadib daawashada filimka.
Hadda waxaad dhagaysan kartaa waraysigii ugu dambeeyay ee #ShaahIyoShaxan, oo ah kal-kiisi koowaad ee qaybtii labaad ee taxnaha. Waxaa marti inoogu ahaa Maxamed Buux, oo Mustafe Axmed ka waraystay turjumidda buugta iyo buugga Gadhoodh Macaan, oo uu qoray Nuuraddiin Faarax islamarkaana uu turjumay Maxamed Buux.#ShaahIyoShaxan #Fankeenna #Writing #Translating
Todobaadkan barnaamijkeena Shaah iyo Shaxan waxaa inoogu marti ah Najax Haaruun oo ka sheekeesay waxqabadkeeda iyo kaalinta uu farshaxanku u qaabilsanyahay bulshada iyo hormarkeeda. Waxaana waraystay Mustafe Axmed.
Waa Kalkii 11aad ee Shaah iyo Shaxan martida ku ahaa Khadar Caydaruus, oo la duubay kadib markii filinkiisa "Xaaska xabaal-qodka (The gravediggers wife)" aan ku daawanay goobta @Fankeenna, waxaa waraysiga daadahinayay Mustafe Siciid. Fiiro gaar ah: Cillad farsamo awgeed ku timid duubitaankii podcast-ka iyo qaybta su'aalaha ka soo qaybgalayaasha oo si fiican loo duubin, baa keentay in qaybtaas mar labaad si gaar ah loo duubo.
Waxaa marti ku ah todobaadkan Muna Axmed oo Mustafa Axmed ka waraystay Qoraalka iyo kaydinta dhaqanka .
Todobaadkan waxaa marti ku ah Shaah iyo Shaxan Axmed Faayis oo kala sheekeestay Maxamed Badri sawirqaadista iyo muuqaal-samaynta oo u kala shaqeeyay goobu warbaahineed iyo Haay’adu caalimi oo kala duwan.
Todobaadkan iyo #ShaahIyoShaxan podcast, waxaa marti ku ahaa Maxamuud Xasan, oo ah Sharci yaqaan iyo weriye caan ah oo leh waayo-aragnimo ballaadhan dhanka saxaafadda isagoo la soo shaqeeyay wakaaladaha warbaahinta Carabta. Maxamuud, oo sameeyay qaamuuskii ugu horreeyay ee Carabi-Soomaali 2013-kii, sidoo kale waa qoraa iyo abwaan sameeyay gabayo carabi ah. Waxaa kala hadlay mashaariicdiisii hore iyo wax-soo-saarkiisa aqooneed ee soo socda isagoo kala sheekeestay Mustafe Axmed.
Cabdinaasir cabdiqaadir, Shayma cabdiraxmaan, Ayaan siciid ayaa Marti ku ahaa Shaah iyo Shaxan oo ka wada sheekeestay Farshaxanka geeska afrika iyo sida shaxanku noloshooda u saameeyay iyo arrimo kale.
Toddobaadkan waxa marti ku ah Shaah iyo Shaxan Axmed Xasan “4by4” @4by4arts oo ah Farshaxaniiste ku xeel dheer sawirgacmeedka oo dad badani magaciisa yaqaanaan. Waxaa la sheekestay Ibraahin Iimaan @iimaan_ka . #ShaahIyoShaxan #Podcast #VisualArts #Farshaxan #4by4
Todobaadkan waxaa marti ku ahayd (Shaah iyo Shaxan) Nuural Huda Cali BANFAS @huda_ali_banfas waxaana sawirqaadista iyo shaxankeeda kala duwan ka waraystay Xamse Sulub @hamzasulub . #ShaahIyoShaxan #Fankeenna.
Abwaan: Cabdirisaaq-Bidixo Xasan Daahir oo heeso iyo maansooyin kala duwan tiriyay, hal-abuurkiisa waxa kala sheekaystay Dr Caqiila Cabdikariin.
Aadan Nuux (Adam on the Beat) waa Somali music producer, heeso badan oo caan ah oo la xiiseeyo ayuu u sameeyay kana duubay fannaaniin badan. Waxaana heeso samaynta iyo isku dubaridkeedka kala sheekeestay Mustafe Siciid iyo dadweynaha Fankeenna ku sugnaa.
Shaah iyo Shaxan waxaa todobaadkan marti ku ahaa Mustafe Siciid oo kala sheekeestay Maxamed Badri sawirqaadista/sawirsamaynta.
Ismaaciil Ubax in badan baa lagu bartay inuu waraysiyo xiiso leh qaado, maanta se isaga ayaa la waraysan doonaa. Nagala soo qaybgala wada sheekaysiga Ismaaciil Ubax iyo Mustafe Axmed.
Shaah iyo Shaxan waa taxane la qabto labadii todobaad mar, Oo bahda Fankeenna ku martiqaadayaan qof shaxankiisa ka waramaya si loo barto oo loogana barto aqoontiisa/aqoonteeda, waa SHAAH IYO SHAXAN
This audio break for SAVVYZAAR radio by Fankeenna is a lively meet-up of artists and thinkers from the collective, sharing their music, sounds, and poems. It celebrates old traditions and new ideas, mixing traditional rhythms with modern music to make a unique sound that touches the heart. In this audio intermission the collective talks about their activities and their plans and hopes.
Comments