DiscoverSomalisan.com
Somalisan.com
Claim Ownership

Somalisan.com

Author:

Subscribed: 0Played: 19
Share

Description

kala soco wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya
48 Episodes
Reverse
Xoreentii dalkeena Xagjir lagu eryaayay Xayiraadii hubka iyo Deyntii la xooray Xagaagii dhoweeyto Xajiin nimey ku beertoo Dalkiisii ku xaasiday Xaflad uu abaabulay Ma xaadiri laheydeen ? Xukuumada danqaran iyo Xamsa ruux dafirayoo Xaq maaha yiriyoo Anigaa xilkaas rabey Xasan shiiq xumeeyoo Xiriir dowladnimo jaray Xabashidana hoos galay Xaflad uu abaabulay Ma xaadiri laheydeen ?
Shirkada Somtel oo soo bandhigtay Adeegyo cusub oo baahi badan loo qabay Munaasabada  Daah-furka Ololaha Kaga Shubo eDahab oo Ku guuleyso   15,000 hadiyadood isla markaana lagu soo bandhigayay adeegyada  cusub ay soo Shirkada Somtel  lagu qabtay oo Muqdisho lagu Qabtay Waxaana ka soo qeyb-galay Munaasabada Daah-furka Ololaha Kaga Shubo eDahab oo ku guuleyso 15,000 hadiyadood […]
“Waxaan Umadeena muslimka ah ku wargelineynaa in Mujaahidiintu ka soo horjeedaan gaashaankana u daruurayaan go’aan kasta oo ka soo baxa maxkamad ku sheega caalamiga ah ee ku saabsan loolanka badda Soomaaliya ka taagan Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda ayaa jeediyey kalimad la dhageysan karo muddo 20 daqiiqo ah oo cinwaankeedu yahay […]
Gaadiid xamuul ayaa ku rogmaday isgoyska ceelgaab Wadooyinka qadiimiha ah ee Magaalada Muqdisho oo aan dayactir helin mudooyinkaan  ayaa waxaa isa soo tarayo Qasaaraha ka dhashay burburka xoogan iyo boholaha ka qodan awgeed  gaadiidka  xamuulka sida ee aada dakada ama ka baxa qasaaraha soo gaarayo. ShilKii ugu danbeeyey  ayaa haatan idiin sawiran oo daqiiqadaa  dhacay […]
Amiirka  Al-Shabaab Axmed Cumar Abu Cubeyda ayaa cod cusub oo uu soo duubay, oo lagu soo beegay munaasabadda ciidda, kaga hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan. Abu Cubeyda oo marka hore ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashooyinka Soomaaliya, ee markii dambe keenay in lagu xaliyo xerada Afisyoone, taasi oo uu ku macneeyey inay […]
Saacadihii lasoo dhaafay  Al-Shabaab ayaa deegaano ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Bay waxay ku toogteen ugu yaraan 16-qof oo ay ku eedeeyeen in dhamaantood ay sirdoon u aheeyeen Dowladda Soomaaliya Mareykanka iyo AMISOM. Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, degmada Saakow ee gobolka Shabeellada Hoose iyo deegaanka Buula-Fulaay oo ka tirsan […]
Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab, Cali Dheere ayaa markii u horeysay ka hadlay arrin uu dhawaan sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), midaasi oo ugu gefay masaajida iyo aaddanka. Afhayeenka ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid gef weyn ku ah Diinta, isagoona dagaal-yahanada Al-Shabaab amray inay dilaan Cabdiladiif Sanyare, oo guddoomiye ka ah gobolka Mudug ee […]
ir Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa ka tirsan booliska Hir-Shabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano hoostaga degmada Balcad, iyaga oo la sheegay inay la wareegeen Tuulada Basra oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in u jeedka howlgalalda […]
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacay arin naxdin leh, taas oo ah in nin uu toorrey ku diley haweeney uu horey u furay. Dilkan naxdinta leh ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana haweeneyda toorreyda lagu dilay lagu magacaabaa Samsam Cabdi Waaxid. Lama oga sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya dilka […]
Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalla Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku toogteen Afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jaajuusiin, sida maxkamada Al Shabaab ee Degmada Saakow ay sheegtay. Qaadiga maxkamada Shabaab ee Degmada Saakow, ayaa meel fagaare ah oo boqolaal ruux ay ku sugnaayeen kaga dhawaaqay in Afartaan ruux […]
Aabe Maxamed Dhayoow Aadan oo habeen ka hor Wiilkiisa ku riday Wabiga Shabeelle ee Magaalada jowhar ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in uu Wiilkiisa dilo. Waxaa la isoo xiray wiil ani dhalay oon dilay, wiilkayga waxa uu iga xaday sagaal sacaad oo irmaan ah nafteedana qiil qiil ayuu galiyay, waxa uu ahaa cabtoy […]
Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in maranaba aysan ogolaan doonin in muddo kororsi ay sameeyso dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad aad u dhib badanisla markaana ay joogto in Xukuumaddii dalka ka jirtay si isxilqaan ah xilka looga […]
Fagaare kuyaal degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya ayey alshabaab ku  fuliyeen xudkun gacmo goys ah Maxkamadda Alshabaab ee  Galguduud ayaa xukun gacan goyn ah ku fulisay laba nin oo ay shegeen in ay ku kaceen fal xatooyo degmada Galcad, qaadiga maxkamadda oo xukunka akhriyay ayaa faah faahiyay dambiga ay galeen labadan nin […]
Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Aadan-Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay ku toogteen Nin ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Mareykanka,isla markaana uu rasaas u ahaa. Ninka ay Al-Shabaab toogteen oo lagu magaaabi jiray Yaasiin Maxamuud Cumar ayaa waxaa ay ku eedeeyeen in uu kala Shaqeynayay Sirdoonka […]
Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud goob fagaare ah ku toogtay rag ay ku eedeeyeen inay u basaasi jireen ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM. Ragga ay dileen Al-Shabaab oo tira ahaan gaaraya seddax, ayey dhamaantood ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen shirqoollo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa kooxda, oo lagu […]
Dawladda Talyaaniga ayaa xayiraad adag ku soo rogtay 16 milyan oo qof waqooyiga dalkaasi iyadoo isku dayaysa inay xakamayso xanuunka Corona Virus. Xayiraaddan lagu karantiilay malaayiinta qof ayaa saameynaysa gobolka Lombardi, iyo 14 gobol oo ku yaalla waqooyiga iyo bartamaha waddankaasi oo ay ku jiraan magaalooyinka waaweyn ee Milan iyo Venice, waxayna socon doontaa tan […]
Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota dowladda Kenya, iyagoo fariin u diray dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay codka Afhayeenka ururka Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) oo arrimahaas ka hadlaya mudo ku siman 20 daqiiqo, isagoo sheegay in ay u damqanayaan dadka Muslimka […]
Siyaasiga caanka ah ee Faysal Cali waraabe ayaa sheegay in dhowaan isaga iyo Madaxwaynaha Somaliland uu gacan ka hadal dhexmaray, mar uu warbaahinta uga warramayey qodobadii guddiga dhex dhexaadintu ay ka soo saareen komiishanka lagu muransan yahay oo ay isku afgaran waayeen xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid, Fayal Cali Waraabe ayaa xusay in […]
Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ku toogatay sadex nin oo ay ku eedeeyeen in ay katirsanaayeen dowlada federaalka Soomaaliya. Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee xukunka riday ayaa sheegay in sadexda nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ay u shaqeenayeen dowlada federaalka Soomaaliya ayna maleegayeen Shirqoolo. Sadexda nin ee […]
loading
Comments