Discover
SBS Somali - SBS Afsomali
SBS Somali - SBS Afsomali
Author: SBS
Subscribed: 292Played: 6,846Subscribe
Share
© Copyright 2025, Special Broadcasting Services
Description
Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.
1643 Episodes
Reverse
Australia waxay ku dhaqantaa qaab-siyaasaddedka la yiraahdo Westminister oo biyo-shubkiisu yahay in dowladdu ku dhisntaato labo qaybood oo iskasoo hor jeeda – Xukuumadda iyo xukuumad-sugaha oo kor-meera shaqada xukuumadda. Haddaba maadaama qaybtii xukuumad-sugaha Australia, oo ah xisbiga is-bahaysigu, ay galeen xaaladdan adag oo midnnimo la’aanta iyo hoos-ka-guuxa ah, sidee bay u saamaynaysaa nidaamka Westminister ee Australia?
Madaxa ururka haweenka muslimiita Australia ayaa cambaaraysey hoggaamiyaha xisbiga One Nation, Pauline Hanson, oo baarlamaanka soo gashay iyadoo xiran Burqa iyo warar kale.
Dowladda Federaalka ee Australia oo loogu baaqay inay caddayso sida loo yarayn karo qiiqa xun, maaddaama aanay ku caddayn heshiiksa ay ku saxiixday shirka COP31. Ardaydii laga afduubay school ku yaalla Nigaria-an qaar ka mid ayaa ka soo baxsday afduubayaashoodii.
Barnaajimijkii Jimcaha 21 Novemeber 2025 oo dhammays tiran.
Australia ayaa halis ugu jirta inay lumiso koboc dhaqaale oo boqol iyo konton bilyan ah haddii aanay maal-gelin Artificial Intelligence. Midowga Yurubna waxay sheegeen in qorshe nabadeed oo kor laga keenay aanu ka shaqayn doonin Ukraine.
Wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya - Jimce 21 November 2025
Iyadoo Australia ay ku jirto marxalad loogu guurayo tamarta la cusboonaysiin karo, ayay ururrada xuquuda aadamahu, walaac ka qabaan kana digayaan in samaynta aaladahan loo isticmaalay shaqaale la qasbay oo kasoo jeeda dadka Shiinaha ee la yiraahdo Uyghurs.
Agaasimaha iskaashiga caalamiga ee hay'adda Rotary Club Footscray, Jama Farah, ayaa ka warramay container laga buuxiyey agabka caafimaadka oo ay Rotary Club Footscray ugu deeqday cisbitaalka Dilchora ee magaalada Dire Dawa - Ethiopia.
CoHealth-ka, Kensington, Fitzroy iyo Collingwood ee Melbounre, ayaa illaa badhtamaha sannadka dambe sii furnaan doona ka dib markii loo helay kharash ku-meel gaadh ah. Shirkadda Meta ayaa ku wargelisay macaamiisheeda Australian-ka ah ee 16-jir ka yar, inay lumin doonaan akoonnadooda baraha Facebook iyo Instagram.
Shirkadda Optus oo lagu ganaaxay boqollaal kun oo doollar. Dowladda New South Wales-na dadka ku dhawaaqa hal-ku-dhigyada Nazi-ga ayaa mutaysan kara ganaxyo iyo xabsi.
Ka dib dembiyada iyo dhaca oo batay awgeed ayuu guddoomiyaha gobolka Hiiraan awaamiir cusub oo nabadda lagu sugayo soo rogey. Jubba Land-na waxay ku dhawaaqday shir qaran.
Australia is known around the world for its rich and diverse First Nations cultures. But when it comes to native title and land rights, you might still wonder what they actually mean. Discover what native title means in Australia, how it began with the Mabo Case, what the Native Title Act does, and why it matters for all Australians. - Australia waxay dunida caan kaga tahay dhaqamada hodanka ah isla-markaanaa kala duwanaanta ee dadyowga dhulka loogu yimid ee First Nations. Laakiin waxaa la is weydiin karaa waxa ay kala yihiin native title iyo land rights. Waa maxay native title? Xaggee'se ka yimid?
Xisbiga Liberalka ayaa doortay hoggaamiyehoodii ugu horreeyey oo haween ah. Dalka Bangladhesh-na waxaa iyada oo maqan dil lagu xukumay Sheekh Xasiina oo ahayd Ra'iisal Wasaarihii hore ee dalkaas.
Ciidda macmalka ah ee carruurtu ku cayaarto oo hore looga helay walaxda Asbestos, ayaa laga helay in ka badan boqol goobood oo ku yaalla South Australia.
Barnmaaijikii Jimce 14 November oo dhammaystiran.
Financial planning can feel stressful for any parent. When it comes to saving for your child’s future, knowing your options helps make informed decisions. And teaching your kid healthy money habits can be part of the process. - Qorshe-samaynta maaliyadeed waxay waalidka ugu muuqan kartaa mid adag. Marka aad ilmahaaga u samaynayso dhigaal dhaqaale, waxaad u baahan tahay inaad ogaato fursadaha kala duwan ee kuu furan si aad u qaadato go'aanka kuugu habboon.
Premierka Voctoria, Jacinta Allan, ayaa beeniysay inay soo rogtey sharciyada cusub ee dembiyada carruurta, cabsi ay ka gashay wararka xun ee laga fidiye awgeed. BBC-da Ingriiska oo raalli-gelin siisay Donald Trump.
Diyaar-grawoga doorashada golayaasha deegaanka gobolka Benaadir oo socda iyo shacabka oo lagu boorriyey inay qaataan kaadhka aqoonsiga si ay u codeeyaan. Puntland oo beenisay inay falal budhcadnimo ahi ka dhaceen xeebaha Eyl ee gobolka Nugaal.
Gobolka Victoria ayaa noqday meeshii ugu horresey ee Australia heshiis sharci ha lagala galo dadka dhulka loogu yimid. Hoggaamiyaha xisibiga Liberal-ka, Susan Ley, ayaa la filayaa inay maanta shaaciso go'aankooda rasmiga ah ee ku aaddan Net Zero.
Labo mas’uul oo sare oo ka tirsan warbaahinta BBC ayaa iska casilay xilalkii ay hayeen ka dib markii lagu eedeeyay eex hay’adeed oo ka jirta BBC-da Ingiriiska. Waxaa la dhaliilay tafatirkii khudbad uu jeediyay Donald Trump, ka hor intii aanay dad mudaharaadayey weerarin magaalo-madaxda Maraykanka 6-dkii Jannaayo ee 2021-kii.
















