Kadib markii lasoo tabiyay kiisaskii ugu horeeyay ee fayraska 16-kii Maarso, dowladda federaalku waxay qaadday tallaabooyin ay ku joojineyso faafitaanka caabuqa. Tallaabadii ugu horreeysay waxay ahayd in la hakiyo iskuullada iyo jaamacadaha maadaama ay yihiin goobo uu si xooggan ugu faafi karo fayraska. Raysal wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay 18-kii Maarso 2020 in labo toddobaad la hakinaayo waxbarashada, loona baahan yahay in la qiimeeyo sida xaaladdu isku badd...
Bishii Octobar 2019, webiga Shabelle ayaa ku fatahay degmooyin katirsan Hirshabelle gaar ahaan magaalada Beledweyne. Daadadka oo ka dhashay roobabkii deyrta ee ka da’ay Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa magaalada Beledweyne uga barakacay dad lagu qiyaasay 240,000 oo qofood. Kaalmo bini’aadamnimo oo xooggan ayaa loo fidiyey dadka ay fatahaadda sameysay. Balse dad badan ayaa ka cawday in gargaarka lagu qeybiyey si aan cadaalad ahayn. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast ...
Qofkii ugu horreeyay ee laga helay caabuqan Soomaaliya waxaa xaqiijiyey Wasiirka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 16-kii Maarso 2020 kaasoo ahaa arday Soomaali ah oo dhawaan kasoo laabtay dalka Shiinaha. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale joojiyey dhammaan duullimaadyada caalamiga ah laga bilaabo 19-ka Maarso muddo labo isbuuc ah. Soomaaliya si lamid ah dalalka kale ee aan lahayn xuduudo adag, tahriibayaasha iyo ganacsigana isaga gooshaan, howlwadeenno calami ah iyo xoogag...
Degmada Cadaado ee dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee gole deegaan yeesha. Golaha deegaanka iyo maamulka degmadaas oo muddo-xiloodkii loo doortay kala-bar qaatay, maxaa u qabsoomay, caqabadaha heystase maxay yihiin? Qeybtan 31-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Axmed & Faarax Diiriye Warsame, oo ah guddoomiyaha degmada Cadaado, ayaa ku falanqeynaya howlaha maamul, adeeg bixin iyo isla-xisaabtan ee degmada Cadaado. Contact Somali Publi...
Adeegga caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan midka hooyada iyo dhallaanka waxa uu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dalka. Waxaa la sheegaa Soomaaliya in ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya oo ay hooyada iyo dhallaanku u geeriyoodaan daryeel la’aan. Qeybtan 30-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Axmed iyo Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir, waxa ay ku falanqeynayaan adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka...
Adeegga garsoorku waxa uu udub-dhexaad u yahay adeegyada kala duwan ee ay dowladuhu bixiyaan. Burburkii dowladii dhexe kadib, hay'adaha garsooku waxay ku jireen marxalad soo kabasho ah. Qeybtan 29-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Avv. Daahir Maxamed Cali, oo ah qareen, bare jaamacadeed, tababare sharci, sidoo kalana ah Xoghaya guud ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo aasaasaha iyo guddoomiyaha Madasha Garyaqaannada Soomaaliyeed, waxa ay ku falanqeynayaan sida dib-u-eegi...
Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo macanaheedu yahay in adeegyada dowladda la bixiyo iyadoo la adeegsanyo hannaan electronic ah. Qeybtan 28-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Dr. Yaxye Abukar Axmed oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Jaamicadda SIMAD...
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu nugul musiibooyinka, iyadoo dalku uu u dhexeeyo abaaro iyo fatahaado iyo musiibooyinka ay sababeen colaadaha joogtada ah. Dardar-gelinta howlaha maareeynta masiibooyinka waxaa dowladda u qaabilsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA). Qeybtan 27-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Cabdullahi Maxamed Cabdi (Qaran) oo ah Agaasimaha Xarunta Cilimibaarista Musiibooyinka iyo Tababarada ee Hay’adda SoDMA waxa ay ku falan...
Dowladda federaalka ayaa dhawaan billowday canshuurta iibka, taas oo ka hirgashay suuqyada magaalada Muqdisho. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacaday faallo qoto-dheer oo falanqeyneysa canshuurta iibka, shuruucda lagu saleeyay, habka loo qaadayo, iyo sidoo kale caqabadaha ku gedaaman hirgelinta canshuurta iibka. Qeybtan 26-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare katirsan Somali Public Agenda & sidoo kale mid kamid ah qorayaasha warbixinta ayaa ...
Burburkii ka hor, Soomaaliya waxay laheyd kooxo-faneed kaalin weyn ku lahaa wacyigelinta buslahda. Goobaha ay xoogga saari jireen kooxihii fanka ee ay dowladdu gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa waxbarashada, muruq-maalka, caafimaadka iyo ciyaaraha. 30 sano ka dib waa sidee kaalinta ay haatan kooxaha fanku ku leeyihiin dowladnimada iyo wacyi-dhiska bulshada? Qeybtan 25-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa lagu falanqeynayaa arrimaha adeegga madadaalada, gaar ahaan heesaha iyo ruwaayadaha, ...
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka muddada dheer la daalaa dhacayay dhibaatooyinka bani’aadamnimo. Beesha calaamka ayaa si joogta ah ugu deeqda dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gargaar bani’aadamnimo. Waxaase aad u yar isla-xisaabtanka guud ee lagu sameeyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya howlaha gargaarka bani’aadamnimo. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan kaalinta ururrada bulshada rayidka ah & warbaahinta ay ku leeyihiin Isla-xisabtaabtanka arrimah...
Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan ayaa noqotay mid bulshada qeybaheeda kala duwan saameyn weyn ku yeelatay. Qeybtan 23-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan waxyaabaha sababa doorinta midabka qofka iyo dawooyinka ay adeegsadaan dadka is caddeeya. Waxan s...
Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur joogta ah u geystaan. Xaaladdan waxa ay dhalisay in bulshada caasimadda ay soo gaarto khasaare naf iyo maal isugu jira, bilicda magaaladana saameyn taban ayay ku yeelatay. Qeybtan 22-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa sababaha ugu ...
Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirkado maxalli ah, musalsalladaas oo qeyb weyn ka qaatay adeegga madadaallada ee ka jira dalka, islamarkaana ka tarjumaya nolosha dadka Soomaaliyeed. Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga madadaallada ee ka...
Tan iyo burburkii dalka, waxbarashada aasaasiga ah inteeda badan waxaa gacanta ku hayay hay’ado samafal ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, halka kaalinta dowladdu aysan ka marneyn balse ay aad u koobneyd. Tayada waxbarashada weli weydiimo ayaa laga keenay, iyadoo dadka qaar caruurtooda ay dalaka deriska ah u diraan si ay adeeg waxbarasho tayo leh u helaan. Qeybtan 20-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Mahad Faarax Shaaciye oo ka tirsan bahda waxbrashada asaasiga ah, islam...
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah. Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed &...
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban. Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan...
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay. Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo h...
Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha. Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen...
Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada. Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Farxaan Isxaaq ...
Dhaqane Rooble Xalane
Masha Allah shaqo wacan Somali public agenda