DiscoverHOBYOMEDIADHAGEYSO: Puntland & Galmudug oo Mowqif adag qaatay kadib markii……
DHAGEYSO: Puntland & Galmudug oo Mowqif adag  qaatay kadib markii……

DHAGEYSO: Puntland & Galmudug oo Mowqif adag qaatay kadib markii……

Update: 2019-05-03
Share

Description

halay ayaa Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya waxa ay ansixiyeen Sharciga doorashooyinka iyo kan Axsaabta Siyaasadeed ee dalka,kuwaas oo dib u eegis lagu sameeyey,waxaana kasoo horjeestay qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada.







Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ka horyimid ansixinta Sharciga doorashooyinka, iyaga oo sheegay in aan loo marin ansixintaas wadadii saxda aheyd.





Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhamanacad ayaa sheegay in geedi socodka iyo habkii lagu soo diyaariyey sharcigaas aysan la socon,isla markaana wax xog ah ka heyn.





Waxa uu sheegay in habka loo diyaariyey Xeerka doorashooyinka dalka uu yahay mid hareer marsan Dastuurka KMG ah ee qabyada ah,waxaana uu sheegay in Xeerkaas la ansixiyey ay kasoo horjeedaan.





Dhinaca kale Wasiirka Dastuurka Dowlad goboleedka Galmudug Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay in dowladda federaalka ku habaanaan laheyd inay kala tashado dowlad goboleedyada dalka,isla markaana maamulkooda uusan waxba kala socon.





Waxa uu sheegay in maalmihii dambe ay jireen wadatashi la’aan dhinaca dowladda ah,waxana uu sheegay in kastoo Baarlamanka aan weli sharcigaas la horgeyn hadana Maamulka Galmudug uu qabo in ansixinta sharcigaas lagu deg degay.





Sharciga doorashooyinka dalka ee shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa horay waxaa u soo ansixiyey Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya, balse wax ka bedel lagu sameeyey, iyada oo la filayo in dhawaan la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya.





HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO





<figure class="wp-block-audio"></figure>
Comments 
In Channel
loading
00:00
00:00
x

0.5x

0.8x

1.0x

1.25x

1.5x

2.0x

3.0x

Sleep Timer

Off

End of Episode

5 Minutes

10 Minutes

15 Minutes

30 Minutes

45 Minutes

60 Minutes

120 Minutes

DHAGEYSO: Puntland & Galmudug oo Mowqif adag  qaatay kadib markii……

DHAGEYSO: Puntland & Galmudug oo Mowqif adag qaatay kadib markii……

admin1